Maraykanka oo qaramada midoobay u faahfaahiyay sababta uu u dilay taliyihii iiraan

Maraykanka ayaa jimciyadda qurumaha ka dhaxaysa u sheegay in weerarkii uu qaaday ee looga takhalusay taliyihii qeybta ciidamada Qudus ee Kacaanka Iiraan Qassem Soleimani uu ahaa mid la isku difaacayay.
Xukuumadda Washington ayaa dhanka kale wacad ku martay in hadii loo baahdo ay qaadi doonto tallaabooyin dheeraad ah oo lagu ilaalinayo danaheeda gudaha bariga dhexe .
Shalay ayay ahayd markii Iiraan ay weerartay laba ka mid ah saldhigyada ciidamada Maraykanka ee Ciraaq.
Hasa ahaate madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuunan jirin qof Maraykan ah oo ay waxyeello ka soo gaartay falkaas.
Safiirka Maraykanka ee qaramada midoobay Kelly Craft ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin in Iiraan ay la yeeshaan wada hadalo aan wax shuruudo ah lagu xirayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here