Maraykanka oo Sacuudi Carabiya ka caawinayo inay isdifaacdo

Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitarka waxaa uu ku sheegay in xukuumadda Washington ay boqortooyada Sacuudi Carabiya ku taagerayso xuquuqda ay u leedahay inay isdaacfo.
Xilli uu la kulmay dhaxalsugaha boqortooyada Maxamad Bin Salmaan ayuu Mike Pompeo sido kale sheegay in sida ay iiraan u dhaqmayso aan loo dulqaadan Karin.
Dhawaan ayay ahayd markii Maraykanka uu iiraan ku eedeyay inay ka dambeysay weeraradii lagu qaaday warshadaha salidda ee Sacuudiga in kastoo xukuumadda Tehraan ay taasi iska fogeysay.
Maxamad Bin Salmaan ayaa dhankiisa ku nuuxnuuxsaday in weeraradaasi looga gol lahaa in wax loogu dhimo dhaqaalaha bariga dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here