Maraykanka oo sharraxay qorshihiisa wadamada bariga dhexe

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa soo bandhigay qorshihiisa ku aaddan nabadaynta dalalka bariga dhexe.
Qorshahan oo ah mid muddo dheer la wada sugayay ayaa dhigaya in magaalada Quddus ay noqoto caasimadda ama magaala madaxda Israa’iil ee aan qaybsamin.
Trump wuxuu soo jeediyay in shacabka Falastiin ay yeeshaan dowlad madax bannaan.
Wuxuu sido kale ku talinayaa in in daanta Galbeed goobo ka mid ah oo lagu dagaalamayay loo aqoonsado in ay yihiin qaybo ka mid ah dhulka Israa’iil.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa arrimahan kaga hadlay aqalka cad ee xukuumadda Washington.
Waxaa halkaas ku wehelinayay xilligii uu qorshahan soo bandhigayay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo uu ku qaabilay.
Trump ayaa xusay in qorshihiisu noqon karo fursaddii ugu dambaysay ee dadweynaha Falastiin helaan.
Madaxweynaha dowladda Falastiin Maxmuud Cabbaas, ayaa dhankiisa gaashaanka u daruuray qorshaha Maraykanka ee bariga dhexe.
Wuxuu ku tilmaanay sida uu hadalka u dhigay shirqool.
Maxamuud Cabbaas ayaa yiri Trump iyo Netanyahu waxaan u sheegayaa in magaalada Quddus ama Jerusalem aanay iib ahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here