Maraykanka oo sheegay inay Duqaymo ku dileen Xubno shabaab ka tirsan.

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee ku sugan qaarada Afrika loona yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeymo dhinaca cirka ah oo Mareykanka uu ka fuliyey deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya
Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 29-kii Bishaan oo shalay ku beegnayd ay Saddex duqeyn fuliyeen oo laba kamid ah ay la beegsadeen Xarumo Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Kuunya-Barow halka midka kale ay ka fuliyeen deegaanka Caliyoow Barrow ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Mareykanka ayaa duqeyntaas ku sheegay inay ku bur buriyey laba Gaari laguna diley laba Xubnood oo uu kamid yahay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ayagoo sheegay in duqeyntaas aysan waxba ku noqon dad rayid ah.
William Gayler, oo ah madaxa howlgalada Ciidamada Mareykanka ee Africa, ayaa sheegay Tan iyo weerarkii ugu horreeyay Al-Shabaab ee sanadkii 2010, ay si naxariis darro ah u dishay boqolaal isugu jira la-hawlgalayaasha Afrikaanka ah ee AMISOM & xulafadooda,Shacab iyo dadka kale ayna yihiin khatar Caalami ah.
Mareykanka ayaa sanadkaan 2019 waxa uu kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya,isla markaana uu la beegsanayo Xarumaha Al-Shabaab iyo Daacish-ta ka Soomaaliya ee ka howlgasha deegaannada Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here