Maraykanka oo sheegay inuu dhintay wiil uu dhalay Osama Bin Ladin

Warbaahinta Wadanka Mareykanka oo soo xiganaya ilo sirdoon ah ayaa sheegtay in uu dhintay wiil uu dhalay hogaamiyihii Al Qaeda, Osama Bin Laden, kaas oo lagu magacaabo Hamza bin Laden.
Warbaahinta NBC ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta aysan dhimashada Hamza ka bixinin fahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qaabka uu u dhintay iyo halka uu ku dhintay.
Wiilka hogaamiyihii la dilay ee Osama Bin ladin oo da’diisa lahayd 30 sano ayaa dad badan waxay u arkayeen in uu yahay qof badeli kara xilkii uu aabihii ka hayay dhaqdhaqaaqa ururka al-Qaeda.
Sanadkii la soo dhaafay ayay ahayd markii uu shacabka Carbeed uu ugu baaqay inay kacdoon sameeyaan, waxaana Dowladda Sacuudiga ay kala laabatay dhalashada dalkeeda.
Dowladda Mareykanka ayaa sanadkii hore sheegtay in lacag dhan hal milyan oo doolar ay siin doonta qofka soo sheega halka uu ku sugan yahay Hamza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here