Maraykanka oo sheegay inuu ka falcelinayo tijaabada Kuuriyada Waqooyi

Dowladda Maraykanka ayaa wacad ku martay inay tallaabo ka qaadayso Kuuriyada Waqooyi haddii ay tijaabiso gantaallada riddada dheer.
Arrintan ayaa waxaa shaaca ka qaaday la taliyaha dhanka ammaanka ee aqalka cad Robert O’Brien.
Mas’uulkan ayaa sheegay in xukuumadda Washington ay tahay midda ugu awoodda badan caalamka ee dhanka milatariga iyo dhaqaalaha sidaas awgeedna ay qaadayso tallaabada habboon ee ka dhanka ah Pyongyang.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in Maraykanka ay u furan tahay siyaabo badan oo uu kaga falcelin karo tijaabooyinka khatarta ah.
Kuuriyada Waqooyi ayaa dhankeeda Maraykanka ugu baaqay inuu wax ka beddelo qaabka uu ula macaamilo ee hanjabaadda ku saleysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here