Maraykanka oo sheegay inuu weerarayo 52 goobood oo ay iiraan leedahay

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku hanjabay in dowladda uu hoggaamiyo ay weerar ku qaadi doonto 52 goobood oo muhiimad gaar ah u leh iiraan.
Waxaa uu Trmup sheegay in falkan loo qaadayo si dhaqsa oo adag.
Arrintan ayuu carrabka ku dhuftay in lagu dhaqaaqayo hadii iiraan ay Maraykanka bartilmaameedsato.
Waxaa tan iyo jimcihii sare u sii kacday xasaradda ka dhaxaysa labada dal kaddib markii ciidamada xukuumadda Washington ay duqeymo dhanka cirka ahaa ku dileen taliyihii kacaanka iiraan qeybta sarakiisha Qudus Janaraal Qaseem Soleimani iyo mid ka mid ahaa hoggaamiyaasha maleeshiyada Ciraaq ee iiraan lagu eedeyo inay taageerto.
Madaxda iiraan oo ay ka mid yihiin hoggaamiyaha ugu sarreeya Ayatullahi Cali Khamenei, madaxweyne Xasan Ruuxaani iyo wasiirka arrimaha dibadda Maxamad Javad Zarif ayaa wacad ku maray inay Qaseem u aar -gudi doonaan.
Ninkan uu Maraykanka dilay oo ay da’diisu ahayd 62 ayaa loo arkayay inuu ahaa qofka labaad ee ugu awoodda badan dalkaasi Iiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here