Maraykanka oo sheegay inuunan diyaar u ahayn inuu iiraan la dagaallamo

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Mr. Mike Pompeo ayaa sheegay in xukuumadda Washington aynan diyaar u ahayn dagaal kala dhexeyo dowladda iiraan.
Waxaa uu xusay in Maraykanka uu adeegsanayo tallaabo weliba oo suurtagal ah oo ay dibloomaasiyad ka mid tahay si loo xaqiijiyo in maraakiibta shidaalka ee isaga kala gudbaya wadamada bariga dhexe aan la dhibaateynin.
Xasaradda u dhexeysa Maraykanka iyo Iiraan ayaa sare u sii kacday kaddib markii dhawaan maamulka madaxweyne Donald Trump uu xukuumadda Tehraan ku eedeyay inay ka dambeysay weerarkii loo gaystay laba ka mid ah maraakiibta shidaalka oo marayay gacanka Cummaan in kastoo ay iska fogeysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here