Maraykanka oo soo dhaweeyay go’aan Shiinaha uu ka qaatay canshuurta

Madaxweynaha Maraykanka Mr. Donald Trump ayaa soo dhaweeyay oo ammaanay go’aan ka soo baxay Shiinaha.
Go’aankaasi ayaa ahaa in aan wax canshuur ah laga qaadi doonin qaar ka mid ah badeecadaha laga soo saaro Maraykanka oo ay ka mid yihiin daawooyinka lagula tacaalo cudurka Kansarka, giriiska iyo cunnooyinka la siiyo xoolaha.
Trump ayaa dhanka kale shaaciyay in dib loo yar dhigay qorsho la doonayay in sare loogu qaado canshuurta ballaayiinta doolar ee la saaro badeecooyinka Shiinaha ee halkaasi loo iibgeeyo.
Tallaabadda Shiinaha ee uu Trump ku tilmaamay mid horay loo qaaday ayaa ku soo aadaysa iyadoo dhanka kale la filayo in wada hadalo ku saabsan ganacsiga ay labada dhinac yeeshaan.
Shalay ayay ahayd markii wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Beijing ay ku dhawaaqday inaan canshuur laga qaadi Karin 16 ka mid ah waxyaabaha laga keeno dhanka Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here