Maraykanka oo soo saaray amarro ka dhan ah warbaahinta laga leeyahay Shiinaha

Maamulka madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa sheegay inuu guda gali doono qorsho ka dhan ah 5 ka mid ah xarumaha warbaahineed ee laga leeyahay dalka Shiinaha.
Waxaa loola dhaqmayaa sida safaaradaha wadamada kala duwan ee Maraykanka .
Warbaahinada ayaa laga doonaya inay shaqaalahooda iyo hantida ay leeyihiin ay ka diiwaangeliyaan waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka.
Laba sarkaal oo ka tirsan waaxda arrimaha dibadda ee xukuumadda Washington ayaa sheegay in go’aankan la qaatay kaddib markii la ogaaday in Shiinaha uu xoojiyay awoodda dowladeed ee saxaafadda loo adeegsado si ay u buunbuuniso ammaanta maamulka xukuumadda Beijing.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here