Maraykanka oo Soomaaliya dhanka difaaca ka taageeraya

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan la qaatay safiirka dowlada Mareykanka u fadhiya Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya Donald Yamamoto.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya labada Dal iyo taageerada Mareynkanku Soomaaliya ka siiyo la dagaalanka Kooxaha xagjirka iyo xoojinta ammmaanka sidii loo sii adkayn lahaa.
Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya ayaa bogaadiyey dadaallada dib u habeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo kaalin wayn ka gaysanaysa dhismaha Ciidamadanka iyo tayadooda, si mustaqbalka ay u gaaraan hadafka dalku leeyahay oo ah inay amniga Wadanka oo dhan ku filnaadaan si AMISOM looga maarmo oo dalka Soomaaliya looga soo saaro.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here