Maraykanka oo tallaabo ka qaadaya kenyaanka ku lug lahaado musuqmaasuqa iyo daroogada

Safiirka dowladda Maraykanka ku matalo Kenya Kyle McCarter ayaa sheegay in shakhsiyaadka lala xariiriyo falalka musuqmaasuqa iyo daroogada aan loo oggolaan doonin inay Maraykanka tagaan.
Waxaa uu intaasi ku daray in tallaabadan ay sido kale saameyn ku yeelan doonto xubnaha qoysaska eedeysanayaasha.
Mr. Mc Carter ayaa xusay in dalkugalka ama Fiisaha Maraykanka aan la siin doonin cid waliba oo Kenya ka gasha labadaasi dembi.
Sido kale Safiirka ayaa wacad ku maray in dowladiisa aynan marnaba ka gaabin doonin in dalka ay garab ku siiso la dagaalanka musuqmaasuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here