Maraykanka oo weli coronavirus ku eedeynaya Shiinaha

US Secretary of State Mike Pompeo pauses while speaking at a news conference at the State Department on April 29, 2020, in Washington,DC. (Photo by Andrew Harnik / POOL / AFP) (Photo by ANDREW HARNIK/POOL/AFP via Getty Images)

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka ,Mike Pompeo ayaa sheegay inay jirto caddeyn aad u weyn oo tilmaamaysa in caabuqa coronavirus uu ka soo billowday sheybaar ku yaalla dalka Shiinaha.
Waxaa suurtagal ah in hadalkan uu sare u sii qaado xasaradda ka dhexeysa labada dalka ee Shiinaha iyo Maraykanka oo eedeymo dusha isaga tuurayay tani iyo markii cudurka uu dillaacay dabayaaqadii sannadkii hore.
Madaxweynaha Maraykanka , Donald Trump ayaa horay u sheegay in hadii ay soo baxdo in xukuumadda Beijing ay si ula kac ah caabuqa dunida ugu soo fasaxday ay cawaaqib xumo la kulmeysa.
Dhanka kale wadamada Australia, Malaysia iyo India ayaa ka mid ah dalalka laga billaabo maanta qafiifinaya amarrada iyo xayiraadaha horay loogu dhawaaqay ee lagu xakameynaya faafitaanka cudurka covid-19.
Sido kale waxaa sii korortay tirada dadka ee guud ahaan caalamka uu ku saameeyay caabuqa coronavirus waxayna gaartay 3.52 milyan, in ka badan 247,000 ruux ayaa u dhintay cudurka halka ay ka bogsadeen 1.1 milyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here