Maraykanka oo xaqiijiyay kiisas dheeraad oo coronavirus

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay diiwaangelisay xaalado cusub oo ah kuwa cudurka COVID19 oo ah ugu yaraan 56,000 .
Ugu yarana 15,000 oo kiisaskan ka mid ah waxaa laga xaqiijiyay gobolka Florida.
Tirada guud ee kiisaska coronavirus ee Maraykanka ayaa hadda ah 3.3 milyan waxayna dhimashada kor u dhaaftay 135,000 .

Dhanka kale Wasaaradda caafimaadka ee dalka Filibiin ayaa sheegtay in 65 qof oo dheeraad ah ay u dhinteen cudurka COVID19 halka uu haleelay 836 kale.
Dhimashada guud ee ka dhalatay cudurka ee gudaha Filibiin ayaa hadda ah 1,599 halka kiisaska ay marayaan 57,006.
Tiradan ayaa ah saddex jibaar midii la shaaciyay xilli madaxweynaha wadankaas Rodrigo Duterte uu qafiifiyay xayiraadaha si dib loogu soo nooleeyo dhaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here