Maraykanka oo xayiraad dheeraad ah saaray iiraan

49

Madaxweynaha Maraykanka Mr. Donald Trump ayaa soo saaray amar madaxweyne oo ku adadan xayiraad dheeraad ah oo la saaray dowladda iiraan.
Tallaabadan cusub ayaa sare u sii qaadaysa xasaradda ka dhexeysa labada wadan waxayna ku soo beegmaysa hal maalin un kaddib markii madaxweynaha xukuumada Tehraan Xassan Ruuxaani uu ku dhawaaqay inay hakad gelinayaan qeyb ka mid ah waxyaabihii lagu heshiiyay sannadkii 2015-kii.
Xilligaasi ayay iiraan qaar ka mid ah wadamada ugu awoodda badan caalamka la saxiixatay heshiis ah inay meesha ka saarto barnaamijkeeda nukliyeerka si cunaqabataynta looga qaado.
Madaxweyne Ruuxaani ayaa sido kale sheegay inuu gudaha dalkiisa ku hayn doono uranium-ka la tayeeyay, halkii uu dibedda u iib geyn lahaa, sida ku xusan heshiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here