Maraykanka oo xayiraad saaray Iiraan

Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa cunaqabateyn dheeraad ah ku soo rogay waaxyaha maaliyadda ee dowladda Iiraan.
Waaxda arrimaha maaliyadda ee xukuumada Washington ayaa shaacisay inay xayiraad saartay 18 ka mid ah bangiyada waaweyn ee Iiraan.
Waxaa bangiyada lagu eedeyay inay maalgeliyaan howlaha dalkaas oo uu Maraykanka shirqool ku tilmaamay.
Xoghayaha maaliyadda ee Maraykanka Steven Mnuchin ayaa hasa ahaate sheegay in tallaabadan aysan saameyn doonin gargaarka baniaadannimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here