Maraykanka oo xayiraado saaray taliyaha militariga Myanmar

49

Dowladda Maraykanka ayaa shaaca ka qaadday inay xayiraado saartay taliyaha ugu sarreeya ee ciidamada militariga wadanka Myanmar Min Aung Hlaing iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan saraakiisha difaaca.
Hoggaamiyaashan ayaa loo haystaa kaalintii ay ku lahayeen xasuuq qaramada midoobay ay ku tilmaantay isir sifeyn qaabeysan taasi oo lagula kacay bulshada Rohingya .
Waaxda arrimaha dibadda ee xukuumada Washington ayaa sheegtay inay guda gashay tallaabadan ka dhanka ah taliyaha iyo saddex sarkaal oo kale kaddib markii la helay caddeeymo muujinaya inay ka dambeyeen rabshado Myanmar ka dhacay laba sano ka hor.
Bishii sideedaad ee sannadkii 2017-kii ayay ahayd markii ilaa 740,000 oo qof oo ka mid ah bulshada laga tirada badan yahay ee Rohingya ay guriyahooda ka qaxeen una carareen dalka dariska la ah ee Bangladesh.
Barakacaasi ayaa yimid kaddib markii militariga Myanmar uu gobolka Rakhine ka fuliyya howlgalo uu ku sheegay kuwo lagu bartilmaameedsanayay koox hubeysan hasa ahaate ay ka dhasheen dhibaatooyin bani’aadanimo.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo ayaa bayaan uu warbaahinta la wadaagay ku sheegay in dowladda dalkaasi ay noqotay middii ugu horreysay ee si cad tallaabo uga qaaddo hoggaanka ugu sarreeya ee militariga wadanka Myanmar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here