Mareykanka oo dhimi doona ciidamada ka jooga Ciraaq iyo Afghanistan iyo walaac laga muujiyay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka hor inta uu xafiiska baneyn bisha Janaayo dhimi doona ciidamada ka jooga dalka Afghanistan sida ay shaacisay Waaxda gaashaandhigga ee dowladda Maraykanka ee Pentagon.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyada oo saraakiil sarsare oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee Donald Trump iyo xulafada Mareykanka ay walaac ka muujiyeen.
Madaxa Gaashan buurta NATO ayaa ku tilmaamay tallabadan mid “qiimo aad u sareysa” ay ka dhalaneyso halka Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Senetka Mitch McConnell uu sheegay in go’aanka uu yahay mid aan laga fiirsan.
Ciidamada Maraykanka ee hadda ku sugan Afghanistan ayaa ah 4,500 waxaana lagu wadaa in laga dhigo 2,500.
Sido kale waaxda Pentagon ayaa sheegtay in ciidamada ku sugan Ciraaq laga dhigayo 2,500 maadama ay hadda yihiin 3,000.
Sii hayaha xilka Xoghayaha difaaca Chris Miller ayaa sheegay in laga bilaabo 15-ka bisha Janaayo ee sannadka 2021-ka dalka Afghanistan laga soo saarayo 2,000 oo ciidan halka Ciraaq ay ka bixi doonaan 500 si ay labada dhinac ugu haraan min 2,500 oo militari.
Qorshahan ayaa imaanaya maalmo un ka dib markii madaxweyne Trump uu shaqada ka ceyriyay Xoghayihii Difaaca Mark Esper kaas oo ku adkaystay in loo baahan yahay in ciidamada Mareykanka ay sii joogaan Afghanistan si ay u taageeraan xukuumadda Kabul.
Dhanka kale Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa labo ka mid ah dagaalyahaanada Al-Shabaab u aqoonsatay argagixiso caalami ah.
Shakhsiyaadkan ayaa lagu magacaabaa Cabdullahi Cismaan Maxamad oo Shabaab u qaabilsan dhanka waxyaabaha qarxo sidoo kale warbaahinta iyo Macallim Ayman oo ah hoggaamiyaha kooxda Jaysh Ayman oo isna lagu eedeyay inuu soo qorsheeyay weerarkii bishii koowaad ee sannadkan lagu qaaday xerada Simba ee degmada Manda Bay ee gobolka xeebta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here