Mareykanka oo digniin ka soo saaray safaradda Tanzania

Safaaradda Mareykanka ee Tanzania ayaa soo saartay la-talin safar oo cusub oo loogu talagalay muwaadiniinta Mareykanka ee la xiriirta cudurka COVID-19 ee dalka ka jira.
Bayaan ay soo saartay, ayay safaaraddu soo jeedisay in halista fayraaska ee xarunta ganacsiga, ee Dar es Salaam, uu aad u sarreyo.
Waxay ugu baaqaday in muwaadiniinta Mareykanka ay iska ilaaliyaan is dhexgalka iyo inaysan ka baxin guryahooda.
Talada ayaa timid maalmo un kadib markii wasaarada arrimaha dibadda ee Tanzania ay u yeertay ku-simaha safiirka Mareykanka, Inmi Patterson, si ay uga hor imaato talo safar oo ay safaaraddu soo saartay bishii hore.
Sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay wasaaradu kulanka kadib, in wararka ay yihiin kuwo been abuur ah ah isla markaana ay khatar gelinayaan iyo argagax ku abuuraan dadka reer Tanzaaniyaanka iyo kuwa dibadda ka imaanaya.
Isniintii, Wasiirka Caafimaadka Ummy Mwalimu ayaa sheegtay in ay jiraan kaliya afar bukaan oo ku jira isbitaalada Dar es Salaam.
Iskuulada sare, koleejyada iyo jaamacadaha ayaa dib loo furay 1dii bishan Juun halka munaasabadaha isboortiga loo oggolaaday inay sii socdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here