Mareykanka oo duqeeyay Taalibaan

Ciidamada Maraykanka ayaa duqeeyay dagaalyahanada kooxda Taalibaan iyaga oo difaacaya milatiriga Afghanistaan sida uu sheegay afhayeen u hadlayay ciidamada Maraykanka.
Tallaabadan ayaa mugdi galinaysaa rajadii ahayd in xal laga gaaro dagaalka Afghanistaan.
Weerarkan dhanka cirka ah ayaa imanaya saacado un kadib markii madaxweynaha Maraykanka Donalad Trump uu sheegay in uu wadahadalo mira -dhal ah la yeeshay madaxa siyaasadda ee Taalibaan kaasoo ay heshiis taarikhi ah ku kala saxiixdeen Aqalka Cad maalinkii Sabtida.
Duqeeyntan oo ka dhacday Koonfurta gobolka Helmand ayaa ah middi ugu horresay muddo 11 cisho ah.
Heshiiska ay Aqalka Cad ay ku kala saxiixdeen Trump iyo madaxa siyaasadda ee Taalibaan ayaa ahaa in dalkaasi laga saaro ciidamada shisheeye.
Sonny Leggett, oo ah afhayeenka ciidamada Maraykanka ee ku sugan Afghanistaan ayaa bartiisa twitarka ku soo qoray in duqeeynta lagu qaaday Taalibaan ay ka dambeesay kaddib weeraro joogta ah oo ay ku hayeen milatiriga dalkaasi.
Waxaa uu sheegay in Taalibaan ay 43 weerar ka fuliyeen gobolka Helmand kaliya maalinkii Talaadada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here