Mareykanka oo Koonfur Galbeed ka taageeraya la-dagaalanka Al-Shabaab

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen ) oo Safar ku Jooga Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa Gudaha Safaarada Dowladda Marekanka kula Kulmay Safiir ku xigeenka Dowlada Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Brian T.Neubert

Kulanka ayaa labada dhinac waxa ay uga wada hadleen sidii dowlada Mareykanka ay uga qeyb qaadan lahayd Arrimaha dib udhiska hay’addaha dowliga iyo sidii loo xoojin lahaa xariirka ka dhaxeeya dowlad goboleedka koonfur galbeed iyo dowlada Mareykanka.

Sidoo kale shirka inta uu socday waxaa la iskula soo hadal qaaday sidii dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab loo kordhin lahaa loogana saari lahaa deegaannada Maamulka  Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here