Mareykanka oo Shiinaha ku eedeeyay xatooyada dhanka interneetka ee COVID-19

Hay’adaha ammaanka ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in burcad dhanka internet-ka oo taageero ka helaya Shiinaha ay isku dayayaan inay xadaan cilmi baaris ay sameenayaan khubarada dalkaasi ee la xiriirta cudurka COVID-19.
Hadalkan ayaa imaanaya iyada oo ay sii kordhayso xiisadda u dhaxeysa labada dal taas oo ku saabsan halka uu kasoo farcamay fayraska.
Warka qoraalka ayaa lagu sheegay in FBI-da Mareykanka ay baaritaan ku hayaan burcadda Shiinaha oo isku dayay inay xadaan macluumaadka ku saabsan tallaalka, daawada iyo baaritaanka fayraska korona.
Sayansyahanada iyo saraakiisha caafimaadka dadweeynaha ayaa loogu baaqay inay feejignaadaan, waxayna saraakiisha Mareykanka marar badan Shiinaha ku eedeeyeen burcada dhanka internet-ka arrintaas oo Beijing ay iska fogeeysay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here