Mareykanka, Ruushka iyo Shiinaha oo galaya Heshiis cusub.

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu doonayo in heshiis cusub oo dhanka Niyukleerka ah lagalo dalalka Shiinaha iyo Ruushka.
Trump ayaa yiri, “ waxaan la hadlay labada wadan si aan uga dhaadhaciyo fikirka aan wato wayna soo dhaweeyeen”.
Hadalka Trump ayaa ku soo beegmaya iyadoo Mareykanku uu ka baxay heshiikii gantaalada Niyukleerka ee ridada dhexe kaasi oo Mareykanka lagalay dalka Ruushku intii uu socday dagaalki qaboobaa.
Heshiiskani oo loosoo gaabiyo INF ayaa mamnuucayay gantaalada ridada dhexe kaas oo masaafo ahaan gaaraya 500 illaa 5,500 oo Km.
Balse Washington ayaa heshiis kaasi ka baxday iyadoona Moscow ku eedeesay in aysan u hogaansamin waxyaabihii lagu heshiiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here