Markab laga leeyahay kuuriyada waqooyi oo uu Maraykanku qabtay

70

Waaxda cadaaladda ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in xukuumadda Washington ay gacanta ku dhigtay markab xamuul ah oo ay leedahay Kuuriyada Waqooyi.
Waxay dhanka kale kuuriyada waqooyi ku eedeysay in markabkeeda uu meel uga dhacay cunaqabataynta caalamiga ah ee saaraan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in markabku uu siday dhuxul dhagax, oo ah waxa ugu badan ee ay dibadda u dhoofiso Kuuriyada Waqooyi balse Qaramada Midoobay ayaa cunaqabatayn saartay.
Markabka ayaa markii u horraysay lagu qabtay wadanka Indonesia bishii afaraad ee sannadkii tagay.
Waa markii koobaad ee Maraykanku qabto Markab Kuuriyada Waqooyi leedahay oo loo haysto in uu jabiyay cunaqabataynta caalamiga ah ee saaran.
Arrintan ayaa dhanka kale ku soo aadaysa iyadoo uu sii xumaanayo xariirka ka dhexeya labada dal ee in muddo ah isku hayay adeegsiga hubka nukliyeerka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here