Martha Karua oo dhaleecayn dusha uga tuurtay madaxweyne Uhuru Kenyatta

Hoggaamiyaha xisbiga Narc Kenya ,Martha Karua ayaa madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta kula talisay inuu cusbooneysiiyo xiriirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeyo ku xigeenkiisa William Ruto ama xisbiga talada haya ee Jubilee uu is casilo si kenyaanka ay fursad ugu helaan inay soo doortaan hoggaamiye cusub iyo ku xigeenkiisa.
Xilli ay saaka marti ku ahayd barnaamijka ‘Day Break’ ee telefishinka maxaliga ee Citizen ayey sheegtay in madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa laga doonaya inay labaduba tanaasulaan haddii aysan awoodin inay wada shaqeeyaan.
Karua ayaa dhaleecayn dusha uga tuurtay madaxweyne Uhuru Kenyatta iyada oo sheegtay inuu dhinac isaga dhigay ku xigeenkiisa ayna muuqato inuusan wax qadarin ah u hayn.
Waxaa ay xustay in waajibaadka loo igmaday ayaga uu yahay inay ka wada shaqeeyaan danta dalka xitaa haddii aysan si ka fool-ka-fool ah u kulmi karin.
Waxay ay dhanka kale sheegtay in horay loo soconayo islamarkaana la doonaya in madaxweynaha uu ku xigeenkiisa si wanaagsan ula dhaqmo hadii uu khilaaf jirana aysan baanaanka soo dhigin.
Sidoo kale waxay gaashaanka u daruurtay baaqyada ka soo yeeray qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka oo William Ruto ka dalbaday inuu xafiiska baneeyo.
Martha Karua ayaa ku nuuxnuuxsatay inaysan suurtagal ahayn in madaxweyne ku xigeenka dalka uu iscasilo iyadoo hoggaamiyaha ugu sarreeya uu sii shaqeynaya.
Haweeneydan ayaa sheegtay in xiriirka hadda ka dhexeya Uhuru Kenyatta iyo William Ruto uu tusaale khaldan u noqon karo barasaabyada ismaamullada oo ay suurtagal tahay in iyagana aysan si wanaagsan ula macaamilin ku xigeenadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here