Marwada koobaad ee dalka oo codsatay kheyraad lagula dagaalamayo Kansarka

Marwada koobaad ee dalka Mrs. Margaret Kenyatta ayaa codkeeda ku biirisay xaasaska hoggaamiyaasha kale ee qaaradda Afrika iyadoo codsatay in la kordhiyo kheyraadka loo adeegsan karo in lagula tacaalo cudurka Kansarka.
Baaqa haweenkan ayaa yimid kaddib kulan ay ku yeesheen magaalada Niamey ee dalka Niger.
Waxay shirkaasi diiradda ku saareen siyaabaha culeyska uu la yimaado xanuunkan looga dulqaadi karo shacabka ku nool dalalka qaaradda.
Mrs. Margaret Kenyatta ayaa dalka Niger uga qeyb galaysa shirka 23-aad ee horumarka ee hay’adda marwayaasha koobaad ee madaxda wadamada Afrika ee (OAFLAD).
Waxay halkaasi tagtay kaddib markii ay casuumaad ka heshay Dr. Lalla Malika Issoufou Mahamadou oo ah dhigeeda dalka Niger oo shirka martigelinaysa.
War murtiyeed ay warbaahinta u aqrisay marwada koobaad ee dalka Burkina Faso Sika Bella Kaboré ayay ku sheegtay inay ku heshiiyeen inay gacmaha isqabsadaan oo ay ka shaqeyaan sidii cudurkan loola tacaali lahaa.
Waxay sido kale dowladaha iyo waaxyaha kala duwan kula taliyeen inay sare u sii qaadaan dadaalada wax looga qabanayo xanuunkan oo nooc ka mid ah uu dhawaan galaaftay noolosha madaxii dulinta ee shirkadda Safaricom Bob Collymore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here