Marwada koobaad ee madaxweynaha dalka Burundi oo lagu daaweynayo Kenya

Marwada koobaad ee dalka Burundi Denise Bucumi Nkurunziza

Denise Bucumi Nkurunziza, oo ah marwada koobaad ee madaxweynaha xilka ka sii dagaya Pierre Nkurunziza, ayaa waxaa ay daaweyn ku qaadanaysa isbitaalka Jaamacada ee Aga Khan Nairobi kaddib markii uu soo ritay cudurka Corona Virus.
Ilo ku dhaw isbitaalka ayaa sheegaya in Mrs Nkurunziza ay xaaladeeda caafimaad wanaagsan tahay wallow aysan faah faahin dheerada ah ka bixin.
Subaxnimadii khamiista ayay ahayd markii wadanka la keenay haweenaydaasi iyadoona lagu soo qaaday diyaarad qaas ah oo ay leedahay Amref.
Xoghayaha Maamulka Caafimaadka ee Wasaaradda Mercy Mwangangi ayaa sheegtay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay ka xaqiijin doonto arrinta maadaama horay ay dowladda u xirtay in dalka la soo galo.
Waxaa ayna sheegtay in sido kale la hubin doono in dadka aan keenyaanka ahayn ay soo gali karaan dalka hadii ay daaweyn u baahan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here