Marwada koowaad ee dalka oo ballanqaaday xoojinta daryeelka hooyooyinka

Marwada koowaad ee dalka Mrs. Margaret Kenyatta ayaa sheegtay inay ka go’an tahay inay sii waddo dadaallada ay hooyooyinka iyo dhallaanka ku helayaan daryeel caafimaad oo taya leh.
Waxay hoosta ka xarriiqay in xoogga saari doonto wax ka qabashada isku furanka dumarka saameeya iyo umul raaca.
Mrs. Kenyatta ayaa ku baaqday in la iska kaashado sidii loo xaqiijin lahaa in haweenka gaar ahaan kuwa ku nool deegaannada aan horumar buuxa gaarin ay u heli lahayeen daryeel caafimaad oo la xiriira dalmada.
Arrimahan ayay marwada koowaad ee dalka ka hadashay xilli ay magaaladatani Nairobi kaga qeyb gashay xafladda sannadka ee hay’adda AMREF.
Waxay goobjoog u ahayd 2 milyan oo shilin oo la aruuriyay si dhibaatooyinka umul raaca iyo isku furanka wax looga qabto.
Xaaska madaxweynaha dalka ayaa arrin laga qoomamoodo ku tilmaantay in ugu yaraan 600,000 oo haween ah ay sannadka kasta guriyaha ku umulaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here