Masaajida Kwale oo berri ay ciidda ku tukanayaan 100 qof

Culimaaudiinka ismaamulka Kwale ee gobolka xeebta ayaa shaaciyay in berri salaadda ciidul-adxaa la oogi doono iyadoo masaajidda iyo garoomada kala duwan loo ogolaanaya oo keliya 100 qof.
Go’aankan ayaa waafaqsan qorshihii uu maalmo ka hor soo saaray gole-diimeedka iskudhafka ah ee qaabilsan arrimaha COVID19.
Sido kale waxaa la xirayaa musqullada masaajidda Kwale waxaana shacabka loogu baaqay inay guriyahooda ka soo weysa qaataan oo ayna sitaan afxirka iyo salli ay ku tukanayaan.
Sheekh Amaani Mwachiruma oo ka mid ah culimada Kwale ayaa faahfaahinaya tallaabooyinka ay qaadayaan .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here