Masaajidda aan ilaalin amarrada lagu xakameynaya COVID19 oo tallaabo laga qaadaya

Guddiga qaran ee muslimiinta ee loo xilsaaray ka falcelinta cudurka COVID19 ayaa soo saaray amarro ay ka mid tahay in tallaabo adag laga qaadaya maamulladda masaajidda ee aan raacin talooyinka caafimaad ee lagula tacaalaya coronavirus.
Guddigan ayaa wacad ku maray inuu masaajidda kala laabanaya leesimada ama dokumeentiyadii lagu diiwaangeliyay.
Waxaa xubnaha guddigan ay sheegeen in cudurka oo si weyn ugu dhex faafaya bulshada dhexdeeda ay caddeyn u tahay in la fududeysanaya.
Xubnaha guddigan ayaa sido kale walaac ka muujiyay in dadka qaar aynan ogoleyn inuu cudurka dhab yahay halka kuwa uu ku dhacana la faquuqo.
Amarrada la doonayo in masaajidda ay fuliyaan waxaa ka mid ah inaan la isku dhawaan .
Sido kale hal saac wax ka badan laguma sugnaan karo goobaha cibaadada.
Dad ka badan 100 qof kuma cibadaysan karaan.
Sido kale waxaan goobahan tagi Karin dadka ka weyn 58 sano iyo carruurta ka yar 13 sano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here