Masaajidda oo dib loo furi doono toddobaadka dambe

Guddoomiyaha gole-diimeedka loo xilsaaray inuu ka shaqeeyo dib u furka goobaha cibaadada Anthony Muheria ayaa maanta sheegay in laga billaabo maalinka Talaadada ee isbuuca dambe taariikhduna tahay 14-ka July si tartiib ah loo furi doono masaajidda iyo kaniisadaha dalka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay diyaariyeen warbixin hor-dhac ah oo ayna ku wareejiyeen madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Mr. Muheria ayaa hoosta ka xariiqay in ilaa far wajiyood loo mari doono dib u furka goobahan.
Sido kale waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in tallaabadan lagu saleyn doono xaaladaha cudurka iyo sida loogu hoggaansamo shuruudda la dejiyay.
Muheria oo warbaahinta kula hadlay daarta Ufungamano House, ayaa dhanka kale maamullada goobaha cibaadada ku booriyay inay diyaariyaan meelo dadka ku filan oo gacmaha lagu dhaqan karo iyadoo la adeegsanaya saabuun iyo gacma nadiifiyaha sanitizer.
Sido kale waa in la xaqiijiyo in dhammaan dadka halkas isugu tagaya ay sitaan afxirka inta ay cibadeysanayaan.
Mr. Anthony ayaa carrabka ku adkeeyay hadalkii shalay ka soo baxay madaxweynaha dalka ee ahaa inaan dad ka badan 100 qof loo ogolaan Karin inay isugu tagaan masaajidda iyo kaniisadaha.
Sido kale wax ka badan hal saac goobahan laguma sugnaan karo halka carruurta da’a ahaan ka yar 13 sano iyo dadka ka waweyn 58 sano laga doonaya inay guriyaha joogaan.
Waxaa Khasab ah in dadka ay isku jirsadaan ilaa 1.5 miitir.
Waa inaan la istaaban oo goobaha cibaadada si joogto ah loo buufiyo.
Guddoomiyaha gole-diimeedka iskudhafka ah ayaa shacabka ugu baaqay inay mas’uuliyad shakhsiyeed iska saaraan ka hor tagga cudurka.
Waxaa uu ugu dambeyn sheegay inay si dhow ula soconayaan dhaqangelinta qodobbada lagu heshiiyay ee dib loogu furaya goobaha cibaadada oo ayna warbixin ku soo saarayaan muddo saddex toddobaad gudaheed ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here