Masar oo 16,000 oo kamid ah muwaadiniinteeda dalka dib ugu soo celineeyso

Ra’iisul wasaaraha dalka Masar ayaa Arbacaddii shalay ahayd sheegay in saraakiisha dalkaasi ay dib dalka ugu soo celinayaan 16,000 oo muwaadiniin ah kuwaas oo ku xayiran dalka dibadiisa fayraska korona awadii.
Maanta ayaa waxaa dalkaasi dib ugu soo laabtay 311 muwaadin kuwaas oo ku xayirnaa dalka Canada.
Balse dadkan ayaa la geeyay goob karantiil halkaas oo ay ku jiri doonaan muddo 14 maalmood ah.
Masar ayaa joojisay dhamaan duulimaadyada dalka dibadiisa ah 9-kii bishii Maarso si loo xakameeyo fafida fayraaska korona.
Intaasi ka dib ayay waaxda soocdaalka sheegtay in 3,000 oo qof la soo daad gureeyay.
Wadamada ay ku xayiran yihiin dadkan ayaa ka mid ah Mareykanka, Ingriiska, Kuwait, Sacuudi Carabiya, Suudaan, Turkiga , Uganda, Rwanda, Chad iyo Niger.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here