Masar oo diiwaangelisay in ka badan 1600 oo kiisas coronavirus ah

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Masar ayaa shaaca ka qaadday in 24-kii sacaadoo ee ugu dambeeyay ay xaqiijisay 1,677 oo ah xaaladaha cusub ee caabuqa corona.
Tiradan ayaa lagu sheegay midii ugu badneyd ee hal maalin gudaheed laga diiwaangeliyo Masar tan iyo markii fayraska lagu arkay bartamihii bishii labaad ee sannadkan.
Wasaaradda ayaa sido kale xaqiijisay dhimasho dheeraad oo dhan 62 taasoo ka dhalatay cudurka COVID-19.
Dhimashada guud ee Masar ayaa hadda ah 1,484 halka kiisaska ay gaareen 42,980.
Waxaa gudaha Masar cudurka kaga bogsaday bukaan dhan 11,529.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here