Mashaariic la xiriira biyaha oo laga fulin doono ismaamullada dalka

Iyadoo maanta caalamka laga xusaya maalinka adduunka ee Biyaha ayuu afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna sheegay in la fulin doono mashaariic adeeggan muhiimka ah la xiriira.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku xusay in biyaha ay ka mid yihiin waxyaabaha aasaasiga ee ay nolosha aadanaha u baahan tahay.
Mr. Oguna ayaa hoosta ka xarriiqay in qeybaha wadanka laga hirgelin doono ceel biyood dhowr ah.
Waxaa uu dhanka kale shacabka ugu baaqay inay si joogto ah gacmaha ugu dhaqdaan biyo iyo saabuun si looga hor tago in la isku gudbiyo cudurka COVID-19.
Hal ku dhigga xuska maalinka biyaha ee sannadkan ayaa ah #WaterandClimateChange oo loola jeedo biyahya iyo isbeddelka cimillada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here