Mashruuc dhanka korontada oo ay ka faaiidayaan 14 ismaamul

Dowladda dhexe iyo bangiga adduunka ayaa iska kaashanaya maalgelinta mashruuc la xiriira korontada cadceedda laga dhaliyo kaasoo la filayo inay ka faaiidaystaan ilaa 250,000 guriyo ah oo ku yaalla 14 ka mid ah ismaamullada wadanka.
Barnaamijkan ayaa hirgelintiisa waxaa lagu qarash gelinayaa lacag dhan 15 bilyan oo shilin.
Arrintan ayaa waxaa shaaca ka qaaday madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta xilli uu magaaladatani Nairobi ku daahfuray shirka lixaad ee caalamigaee ku saabsan korontada cadceedda.
Sido kale 800 oo ka mid ah xarumaha dadweynaha ayaa lagu xiriirin doonaan korontada noocan ah .
Waxay tani qeyb ka tahay dadaalada dowladda ay ugu jirto in sare loo qaado tirada deegaannada korontada la gaarsiiyay si shacabk ay uga faaiidaystaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here