Mashruuc dhanka nadaafadda oo lagu daahfuray Nairobi

Dowladda ayaa daahfurtay wajiga labaad ee mashruuca lagu wanaajinayo nadaafadda caasimadda dalka ee Nairobi.
Waxaa uu qorshuhu yahay in barnaamijkan la soo gabagabeeyo sannadka 2023.
Tani ayaa timid kaddib markii lagu guulaystay wajigii koowaad ee mashruucan oo adeegyda dhanka nadaafadda la kordhiyay boqolkiiba 40 ilaa 48.
Waxaa mashruucan oo diiradda lagu saaraya dayactirka bullaacadaha si wadajir ah u maalgelinayay dowladda Kenya , dowladda Faransiiska iyo bangiga horumarinta Afrika waxaana ku baxaya qarash dhan 11 bilyan oo shilin.
Dhankale kale waxaa maanta magaalada Nairobi ka billaabanaya olole nadaafadeed oo heer qaran ah.
Barnaamijkan oo looga gol leeyahay in lagu muujiyo bilicda deegaanka ayaa waxaa labo toddobaad ka hor ku dhawaaqay madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta.
Guddoomiyaasha xaafadaha ayaa laga doonaya in iyagoo bulshada kaashanaya ay wanaajiyaan nadaafadda deegaanka.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in shaqada laga eryaya saraakiisha dowladda ee aan taageerin dhaqangelinta mashaariicda uu ololahan ka mid yahay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here