Mashruuc uu maalgelinayo bangiga adduunka oo maanta xariga looga jarayo Habaasweyne

Waxaa maanta la filayaa in magaalada Habaasweyne ee deegaanka Koonfurta Wajeer xariga looga jaro mashruuc dhanka horumarka ah oo uu maalgelinayo bangiga adduunka kaasi oo qarash ahaan gaaraya 2 bilyan oo shilin.
Waxaa sido kale uu qorshuhu yahay in la billaabo geedisocod qaar ka mid ah dadka deegaanka looga saarayo diiwaanka qaxootiga ee hay’adda UNHCR.
Xildhibaanka Koonfurta Wajeer Prof. Maxamuud Sheekh Maxamad oomaar oo khadka taleefoonka ugu warramay wariyahayaga Cabdiraxmaan Mucaawiye ayaa arrimahan faahfaahin ka bixiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here