Mashruuca Galana-Kulalu oo la dayactiraya

Waxaa dayac tir lagu sameyn doonaa mashruuca Galana-Kulalu sida laga soo xigtay safiirka Israa’iil ku matalo Kenya Oded Joseph .
Mashruucan ayaa horay loogu adeegsaday ilaa 6 bilyan oo shilin.
Bishii sideedaad ee sannadkii 2014, ayay ahayd markii guddiga qaran ee waraabka ee (NIB) uu saxiixay heshiis ku kacayay 14.5 bilyan.
Waxaa uu kala dhexeeyay shirkad laga leeyahay Israa’iil oo lagu magacaabo Green Arava taaso laga doonayay inay waraabiso abuurka mashruuca Galana-Kulalu ee ismaamullada Kilifi iyo Tana River .
Bishii saddexaad ee sannadkii 2018, ayay ahayd markii 5,000 oo eekar in kastoo bartilmaameedsigu ahaa hal milyan la beeray.
Saraakiisha guddiga ayaa xilligaas baarlamaanka u sheegay in la soo goostay 22,000 oo ah loorar galeey ah oo qiimo ahaan ku fadhiyay 35.2 milyan oo shilin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here