Masjidka Al-Aqsa oo la furay

Masjidka Al-Aqsa

Wararka naga soo gaaraya magaalada Quddus ayaa sheegaya in dib loo furay masjidka Al-Aqsa oo xirnaa ilaa laba bilood iyo bar.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warramaysa in halkaas loo ogolaaday dadka ku cibadeysanaya.
Hasa ahaate saraakiisha caafimaadka ayaa ku dadaalaya dhaqangelinta tallaabooyin looga gol leeyahay ka hor tagga faafitaanka caabuqa corona.
Mid ka mid ah shacabka Quddus oo lagu magacaabo Umm Hisham ayaa sheegtay inay Alle uga mahadcelinayso dib u furka masjidka oo ay ku tilmaantay fursad ay mar kale ku neefsan karto sida ay hadalka u dhigtay.
15-kii bishii saddexaad ayay ahayd markii goobtaas la xiray waxaana dib loo furay kaddib go’aan ka soo baxay golaha muslimiinta ee dalkaas oo ku saleeyay in faafitaanka cudurka uu yaraaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here