Masjidka Jamia ee Nairobi oo aan maanta la furi doonin

Iyadoo maanta ay ku beegan tahay taariikhdii la shaaciyay in dib loo furayo goobaha cibaadada ee dalka ayaa waxaa dhanka kale maamulka masaajidka weyn ee Jamia ee magaalada Nairobi uu soo saaray go’aan ah in masjidka uu sii xirnaan doono.
Qoraal ka soo baxay guddiga masjidka oo lagu daabacay barta twittarka ayaa lagu sheegay in maadaama masaajidka uu ku yaalla bartamaha caasimadda dalka aynan suurtagal ahayn inay ku tukadaan 100 qof oo keliya sida ay dowladda ku talisay.
Waxaa qoraalka lagu xusay in go’aankan lagu saleeyay wadatashi dhexmaray gole-diimeedka iskudhafka ah iyo xubnaha dacwada qaabilsan.
Maamulka ayaa hoosta ka xariiqay inuu aad uga xun yahay mowqifkan balse uu muslimiinta ku soo wargelin doono tallaabada xigta maadaama ay wadatashiyo dheeraad ah socdaan.
Shalay ayay ahayd markii Sheekh Maxamad Cabdi Umal oo ka mid ah culimada soomaaliyeed ee dalkani Kenya uu shaaciyay inay furayaan masaajidka 6-ka ee xaafadda .
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in maadaama masaajidda horay loogu xiray amar ka soo baxay dowladda haddana ay iyada fasaxday aynan jirin sabab ay u sii xirnaan karaan.
Sheekh Umal ayaa xusay inay diyaariyeen qodobo dhowr ah oo loogu hoggaansamaya amarrada wasaaradda caafimaadka ee lagu xakameynaya faafitaanka cudurka COVID19.
Shuruudaha lagu xiray dib u furka goobaha cibaadada waxaa ka mid ah in 100 qof ka badan aynan gudaha u galin, in la kala fogaado, gacma dhaqashada , afxirka , in dadka cibaadaysanaya aynan halkaas ku sugnaan wax ka badan hal saac, in dadka waayeellada ee ka weyn 58 sano, kuwa xanuunada gaarka ah qabo iyo carruurta aynan tagin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here