Masjidka Jamia ee Nairobi oo aan salaadda Jamaacada lagu tukan doonin

Waxaa albaabada la isugu dhuftay masaajidka weyn ee Jamia ee ku yaalla magaaladatani Nairobi.
Qoraal la soo dhigay barta rasmiga ee @jamia_mosque ee twitarka ayaa arrinkan shaaca looga qaaday.
Waxaa qoraalka lagu sheegay in kaddib wadatashi ay sameeyeen xubnaha ururka dhakhaatirta muslimiinta ah ee dalka , xubnaha Majlis Culamaa ee masjidka Jamia iyo guddiga masaajidka go’aankan la qaatay.
Waxaa laga billaabo maanta oo ay taariikdu tahay 18-ka bishan si ku meel gaar ah loo hakiyay salaadihii jamaacada ee masjidka lagu tukan jiray.
Sido kale waxaa qoraalka qeyb ka ah in xaaladda si dhow loola socon doono ilaa iyo amar dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here