Mas’uul ka soo horjeesatay go’aan ka soo baxay wasiirka arrimaha gudaha

Senataradda sida magacaabida ku soo gashay aqalka sare ee dalka Millicent Omanga ayaa ku gacan sayrtay amar dhawaan ka soo baxay Wasiirka arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi .
Amarkaasi ayaa ahaa in dhammaan baararka lagu caweeyo ay xirnaan doonaan xilliga uu tirikoobka qaran uu socda gaar ahaan xiliyada habeenkii
Waxa ay ku tilmaamtay tallaabadaas mid aan loo qaadan karin, isla markaana aysan xaq ahayn in la xiro baararka dadka ka ganacsada khamriga ku waas nolashooda ka raadsada
Mrs. Millicent Omanga ayaa hoosta ka xarriiqday in go’aanka dowladda uu saameyn ku yeelan doono dadka ganacsiga noocaasi ah ku howlan.
Senataradda ayaa dhanka kale sheegtay in kenyaanka lagu xisaabin karo goob waliba oo ay joogaan.
Shalay ayey ahayd markii wasiirka arrimaha guadaha, Dr. Fred Matiangi uu amar ku bixiyay in dhammaan ‘goobaha bulshada isku timaado gaar ahaan baararka’ lagu cabbo khamriga la xirayo 5-ta galabnimo si kuwa dadka tirikoobayo ay kenyaanka dhammaan u xisabaan iyagoo guryahooda jooga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here