Mas’uul ka tirsan dowlad deegaanka Wajeer oo xabsiga lagu sii heyn doono

Waxaa maxkmadda magaalada Garissa la soo taagay ku xigeenka guddoomiyaha tuulada Arbaqeeramso kaas oo lagu eedeyay inuu gabadh faraxumeeyay.
Maxkmadda ayaa ciidamada fursad u siisay in masuulkan ay xabsiga ku hayaan inta baaritaanadiisa laga soo gabagabeynayo usbuuca dambe.
Malin ka hor ayay ahayd markii ehelada gabadha uu faraxumeeyay ay si weyn caradooda ugu soo bandhigeen maxkmadda Wajeer inta aan loo soo gudbin maxkmadda magaalada Garissa.
Ehelada gabadha oo arrintaan ka hadlay ayaa sheegay in gabadhooda ay cadaalad la doonayaan oo aysan la rabin in lagu dhameeyo qaab odayaal ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here