Mas’uul ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo la xukumay

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sidee Soomaaliya ayaa Maanta waxaay xukun ku ridey Agaasime ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir,hayeeshee lagu helay inuu horay ula Shaqeyn jiray Al-Shabaab.
Mas’uulkaan ayaa waxaa lagu Magacaabaa Nuur Cali Axmad (Mahad Alle),waxaana uu ahaa kusimaha Agaasimaha Shaqadda Gobalka Banaadir.
Maxkamadda ayaa sheegtay inuusan soo marin Habka Is Diiwaan Galinta Dadka ka haray Fikirka Al-Shabaab,iyadoo lagu xukumay Saddex Sano oo Xabsi ah.
Sidoo kale Waxay Maxkamaddu sii daysay C/laahi C/raxmaan Maxamed oo ay Walaalo ahaayeen gabadh lagu macaabi jiray Basiiro oo la aaminsan yahay inay ahayd qofkii isku qarxiyay Xarunta Gobalka Banaadir, iyadoona la amray in Hay’adaha Ammaanku ay isha ku hayaan Dhaqdhaaqa Ninkaasi
Laamaha Ammaanka Dowlada Soomaaliya ayaa horay u sheegay in tiro dad ah loo xirey qarixii ka dhex dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee lagu diley dad uu kamid ahaa Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Yariisow baaritaana ay ku socdaan walow aan weli la soo bandhigin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here