Mas’uul ku geeriyooday qaraxii maanta ka dhacay Kismayo

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaaan qarax ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimahso iyo dhaawac.
Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa Nin soo xirtay jaakad ay ku rakiban yihiin waxyaabaha qarxa, isla markaana uu isku qarxiyay banaanka Masaajidka Jaamac Qadiim ee magaalada Kismaayo.
Qaraxa ayaa si gaar ah loola beegsaday Gudoomiyaha rugta ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi Kaahin, waxaana ka soo gaaray dhaawac culus oo uu ugu dambeyntii ugu geeriyooday isbitaalka.
Shaafi Raabi Kaahin ayaa sidoo kale ahaa xoghayihii rugta ganacsiga Soomaaliyeed.
Inta la xaqiijiyay qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday Afar qof oo uu ku jiro qofkii ismiidaamiyey halka ay ku dhaawacmeen lix qof oo u badan ilaalada Guddoomiyaha rugta ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi Kaahin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here