Mas’uul lagu eedeyay inuu gabadh ku faraxumeeyay Wajeer oo maxkamadda la soo taagaya

Waxaa la filayaa in maanta maxkamadda ismaamulka Wajeer uu ka soo hormuuqdo ku xigeenka guddoomiyaha tuulada Arbaqeeramso oo lagu eedeyay inuu gabadh faraxumeeyay.
Taliyaha booliska ee ismaamulka Wajeer Thomas Ngeywa ayaa sheegay inay maanta eedeysanaha maxkamadda geynayaan.
Dhacdadan ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay waxaana si weyn uga soo horjeestay ururada u dhaqdhaqaaqa xuquuqda iyo horumarinta dumarka .
Haweenkan ayaa dalbanaya in gabadha dhibka lagula kacay ay caddaalad hesho.
Waxay wacad ku mareen inaynan marnaba ogolaan doonin in faraxumeynta dhacday lagu dhameeyo qaabka loo yaqaano maslaxada ee ay soomaalida adeegsato .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here