Masuul Maamulka Puntland ka tirsan oo Gaalkacyo lagu dilay

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Rag hubeysan ay xalay Xaafad ka tirsan waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Dowladda Hoose ee Magaaladaas qeybta Maamulka Puntland.
Sarkaalka la dilay oo Magacisa lagu soo koobay (Madax wargalay) ayaa waxaa goobjoogayaal sheegeen in xilliga la dilayay uu ku sugnaa Xaafada Garsoor ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo Xarunta gobolka Mudug.
Ragga ka dambeeyay dilka Sarkaalka ayaa goobta ka baxsaday, waxaana meydka halkaasi ka qaaday ciidamo ka tirsan Booliska Puntland, iyagoo sidoo kale halkaasi xalay ilaa saaka howlgallo kala duwan ka waday.
Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada dilkaa, waxayna intaas ku dareen inuu kamid ahaa Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland, Hayeeshee aysan bixin faah faahino kale oo dheeraad ah.
Laamaha Ammaanka Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland weli wax faah faahin ah kama bixin dilka mas’uulka ka tirsanaa Maamulka Gobolka Mudug loogu geystay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug, iyadoo sidaan oo kale dilal kala duwan ay horay uga dhaceen Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo kuwaasoo Masuuliyiin lagu qaarajiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here