Mas’uuliyiin badan oo ka tacsiyeeyay geerida walaalka xildhibaan Aaden Barre

Waxaa isa soo taraya tacsida ay dirayaan qaybaha shacabka gaar ahaan mas’uuliyiinta siyaasadeed ee ku aaddan geerida ku timid Alle ha u naxariistee Duuboow Barre oo ay wada dhasheen xildhibaanka deegaanka Garissa Township Aaden Barre Ducaale.
Wararka ayaa sheegaya in ninkan oo ganacsade ahaa uu ku dhintay shil ka dhacay aagga Bangal.
Ilaa iyo hadda faahfaahin dhamaystiran lagama hayo sida uu u dhacay iyo waxa sababay shilkaas.
Siyaasiyiinta geerida Duuboow Barre Ducaale ka tacsiyeeyay waxaa ka mid ah madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo sheegay inuu murugada la qaybsanaya qoyska, ehellada iyo asxaabta xildhibaan Aaden Barre Ducaale oo uu walaalkii geeriyooday.
William Ruto ayaa Duuboow Barre ku tilmaamay ganacsade saameyn lahaa sido kalena u ololeyn jiray arrimaha nabadda.
Waxaa sido kale tacsi tani la mid ah diray xildhibaanadda deegaanka Ijara Safiya Cabdinuur, xildhibaanka deegaanka Ceeldaas Aaden Keynaan Weheliye, wakiilka haweenka ee ismaamulka Garissa Canab Suuboow , barasaabka Wajeer Maxamad Cabdi Maxamuud iyo madax kale.
Maamulka iyo shaqaalaha idaacadda Star FM ayaa sidoo kale geerida ganacsadaha ka tacsiyeynaya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here