Masuuliyiin ka socda wasaarada Caafimaadka iyo WHO oo Baydhabo gaadhay.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee dowlada Soomaaliya Drs Fowziyo Abiikar Nuur iyo wafdi heerka caalami ah oo ka socda Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa maanta waxay gaareen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay sidoo kalena ah Caasimada  ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
wafdigaan ayaa markaay gaareen garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsa maamul goboleedka Koonfur Galbeed.
Wafdiga ka socda Hay’ada Caafimaadka aduunka ee WHO waxaa hoggaaminayey Dr.Axmed Al-Mandhari oo ah Agaasimaha xafiiska Mandiqadda Bariga & Mediterranean-ka ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.
Waxaana lagu wadaa inay wafdigaan intay ku sugan yihiin deegaaanda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay u kuur galaan xaaladaha Caafimaad ee deegaannada maamul goboleedka Koonfur Galbeed iyo baahiya dhanka caafimaadka ah ee ay qabaan shacabka halkaas ku nool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here