Masuuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir oo xalay Kormeer Sameeyay.

33

Siihayaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Ibraahim Cumar Mahadale (Ibraahim Dheere) iyo Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada iyo wacyi galinta Marwo Basma Caamir Axmed (jakeetti) ayaa xalay wxay kormeer ku sameeyeen aargada degmada Shangaani, gaar ahaan Waddada Abwaan Timacadde ee dhawaan dib dhisayka lagu Sameeyay.
Kormeerkan oo ay qayb ka ahaayeen Agassimaha arrimaha Bulshada Maxamed Axmed Cantoobo iyo maamulka Degmada Shangaani ayaa loogu kuur galayey qaabka ay u socoto iftiiminta iyo bilic soo celinta lagu samaynayo aargada Degmada Shangaani, taasoo shirkad gaar loo leeyahay oo lagu magacaabo aragsan ay si isxilqaannimo ah ugala qeyb qaadatay maamulka Gobolka Banaaadir.
Shalay ayay aheyd markii guddoomiyaha arrimaha bulshada gobolka Banaadir Basmo Caamir ay kormeer ku tagtay Kawaan Bari isla markaana ay qiimayn ku sameysay xaaladda Kawaanaka iyo hanaanka uu ugu diyaar garoobay shaqooyinka maalmaha ciida oo mashquul badan uu jiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here